Tababaraha Xulka Qaranka France Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono England Iyo Mbappe Oo Hogaaminaya

Xiddiga da,yarka ah ee kooxda Monaco Kylian Mbappe ayaa lagu soo daray liiska xiddigaha xulka qaranka France ee bisha dambe kulanka saaxiibtinimada la ciyaari doona xulka qaranka England.

Kylian Mbappe ayaa noqday xiddigii 2-aad ee ugu da,da yaraa ee ka soo muuqada xulka qaranka France markii uu xulka qarankiisa u ciyaaray kulankii bishii March ee ay la ciyaarayeen xulka Luxembourg.

Tababaraha xulka qaranka France Didier Deschamps ayaa kulankan u soo xushay 26 xuddig oo xulkiisa u ciyaari doona kulamada bisha june ee 3-da kulan ah.

France ayaa sidoo kale bisha June la ciyaari doona xulka qaranka Portugal kulan saaxibtinimo ah ka hor inta ayna kulan is reeb-reebka koobka adduunka ah la ciyaarin xulka Sweden.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Hadaba Halkan Hoose Kaga liiska 26 xiddig ee uu Tababaruhu u soo xushay kulamada aanu kor ku sheegnay:

Goolhayahaasha: Alphonse Areola (PSG), Benoit Costil (Rennes), Hugo Lloris (Tottenham Hotspur)

Daafaca: Christophe Jallet (Lyon), Djibril Sidibé (AS Monaco), Presnel Kimpembe (PSG), Laurent Koscielny (Arsenal), Samuel Umtiti (Barcelona), Raphaël Varane (Real Madrid), Kurt Zouma (Chelsea), Lucas Digne (Barcelona), Benjamin Mendy (AS Monaco)

Khadka dhexe: Ngolo Kanté (Chelsea), Blaise Matuidi (PSG), Paul Pogba (Manchester United), Moussa Sissoko (Tottenham Hotspur), Adrien Rabiot (PSG), Corentin Tolisso (Lyon)

Weerarka: Ousmane Dembélé (Borussia Dortmund), Olivier Giroud (Arsenal), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Alexandre Lacazette (Lyon), Thomas Lemar (AS Monaco), Kylian Mbappé (AS Monaco), Dimitri Payet (Marseille), Florian Thauvin (Marseille)

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: