Taageerayaasha Barcelona Oo Qorshaynaya In Ay Si Cajiib Ah U Macasalaameeyaan Tababarohooda Luiz Enrique Maxay Damacsan yiihiin?

Wargayska Sports ee ka soo baxa magaalada Barcelona ayaa sheegay in kooxda Barcelona si khaas ah u macasalaamayn doonto tababarohooda Luiz Enrique kulanka ugu dambeeya horyaalka La Liga ahna kulanka ugu dambeeya ee uu maamuli doono kulan horyaalka ah.

Taageerayaasha Barcelona ayaa diyaarinaya boor weyn oo aan la sheegin waxa ku qornaan doona oo ay kor u qaadi doonaan taageerayaashu kulanka Axada ay la ciyaarayaan kooxda Eibar.

Boorka ay Taageerayaashu macasalaamayn doonaan Tababarohooda ayaa la mid ah midkii ay Taageerayaasha Barcelona ku maamuuseen Lionel Messi kadib markii uu gaaray 500 oo gool.

Tababarahan reer Spain ayaa ku soo biiray kooxda Barcelona xilli ciyaareedkii 2014/15 isaga oo kooxda hor jooge ka ahaa muddo 3 sano ah.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Luiz Enrique ayaa 3-dii sano ee uu kooxda joogay kula guulaystay 8 koob oo ka mid ah 10 uu finalka tagay intii uu maamulayay kooxda.

Kooxda.com ayaa xusaysay in Tababaraha kooxda Atletico Bilboa ee Ernesto Valverde uu yahay tababaraha ugu cad-cad ee qaban doona maamulka kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: