RASMI: Xiriirka UEFA Oo Ku Dhawaaqay Garsooraha Dhex Dhexaadindoona Finalka Champios League & Caawiyaashiisa

Xiriirka kubada cagta ee UEFA ayaa magacaabay garsooraha dhex dhexaadindoona Finalka Champions League.

Real Madrid iyo Juventus ayaa wada ciyaaridoonaan Finalka Champions league oo la qabandoonaa 3 June ,waxaana sheekada ay noqoneysaa Spain iyo Itlay.

Garsooraha u dhashay wadanka Germany ee Felix Brych ayaa dhex dhexaadindoona kulankaan waxaana sheekad ay noqondoontaa sida uu garsoorahaan u dhexdhexaadindoono kulankaan.

Fianlka Champions Leageue ayaa lagu qabandoonaa Cardif ee Wales dhacda ,waxaana Madrid ay dooneysaa inay qaado markii 12aad koobkaan.

41-sano jirkaan ayaa kamid ah garsooriyaashii Tartankii Euro 2016, waxaana uu garsooray kulankii dhexmaray Swaden, Belgium iyo England, waxaa uu sidoo kale maamulay kulankii Quarter Finalka ee dhexmaray Poland iyo Portugal.

Sidoo kale Felix Brych ayaa dhex-dhexaadiyey kulankii Sevilla iyo Benfica ee 2014 ee Finalka Europe League laguna qabtay Juventus Stadium.

Garsooraha: Felix Brych (GER)

Caawiyaasha: Mark Borsch, Stefan Lupp (both GER)

Garsooraha Afaraad: Milorad Mazic (SRB)

Caawiyaasha Kale: Bastian Dankert, Marco Fritz (both GER)

Caawiye Dheeraad Ah: Rafael Foltyn (GER)

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: