Rasmi: Xiddigii Ugu Fiicnaa Wareega Semi-finalka Champions League Oo Lagu Dhawaaqay Yaa Ku Guulaystay?

Waxa Maalintii Arabacadii la soo afjaray wareega semi-finalka champions league iyada oo ay kooxda Atletico Madrid guul ka gaartay kooxda Real Madrid inkasta oo ay Real Madrid iska xaadirisay finalka champions league markii labaad oo xiriir ah.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa salaasadii dhulka la dhacday kooxda Monaco iskana xaadirisay finalka champions league xilli ciyaareedkan.

Xiriirka kubada cagta yurub EUFA ayaa si Rasmi ah u soo saaray xiddigii ugu fiicnaa todobaadkan tartanka champions league.

Xiddiga reer Brazil una ciyaara kooxda Juventus ee Dani Alves ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa todobaadkan kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay kulankii Monaco.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Alevs ayaa kooxdiisa u dhaliyay gool qurux badan oo uu dhaliyay kadib markii uu goolhayaha kooxda Monaco iska soo difaacay kubad koorne ahayd.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: