Rasmi: Kooxda Inter Milan Oo Heshiis Wakhti Dheer Ah Ku Abaalmarisay Xiddig Weerarka Uga Ciyaara

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddiga da,yarka ah ee Andrea Pinamonti kaas oo qalinka ku duugay heshiis ku eg sanadka 2021.

Go,aankan ayaa yimid kadib markii 18 jirkani qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xiddigaha da,yarta kooxda xilli ciyaareedkan.

Xiddigan ayaa sidoo kale si rasmi ah loogu soo dalacsiin doonaa kooxda 1-aad wixii xili ciyaareedkan ka dambeeya isaga oo ku soo biiri doona kooxda 1-aad.

Da,yarka oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan ayaa kooxda ku hogaamiyay tartanka coppa italia ee xiddigaha da,yarka.

Xiddigan ayaa sidoo kale u soo ciyaaray kooxda 1-aad ee kooxda dalka cech ee Sparta Prague isaga oo u soo ciyaaray tartanka Europe League.

Si kasta ha ahaatee maamulka Inter Milan ayaa xiddigan oo weerarka tooska ah ka ciyaara u arka xiddig mustaqbal fiican ku leh kooxda Inter Milan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: