Philipp Lahm: Halka Arin Ayaa Sabab U Ahayd In Aan Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan Isaga Fariisto Ciyaaraha

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich  ahna kabtanka kooxdaas ee Philipp Lahm ayaa sheegay sababtii ka dambaysay in uu ku dhawaaqo in uu ciyaaraha isaga fariisan doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Khabiirkan daafaca iyo khadka dhexe ee daafaca ka ciyaara ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga fariisan doono ciyaaraha kubada cagta.

Xiddigan oo la hadlaya wargaysyada dalka Germany ayaa yiri”waxan doonayaa in aan ciyaaraha ka fariisto aniga oo qaab ciyaareed fiican ku jira”

Kabtankii hore ee xulka qaranka ee xulkiisa ku hogaamiyay hanashada koobkii adduunka ee 2014 ayaa yiri”Bayern Munich waxa aan ku qaadanayaa qaab ciyaareed heer sare ah waxanan doonayaa in aan sidaa uga tago kooxda”

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu kabtanka sidoo kale isaga fariistay u ciyaarista xulka qarankiisa Germany markii uu ku hogaamiyay koobka adduunka.

Xilli uu doonayo in uu Bayern Munich lafeeda sidaas sameeyo isaga oo horay u sheegay in uu dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga fariisan doono kooxdiisa

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: