Tuesday 21 November, 2017

Olivier Giroud Oo Ka Sii Socda Gunners Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah Ka Tagitaankiisa

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Olivier Giroud ayaa isku diyaarinaya in uu isaga caraabo kooxda Arsenal marka la gaaro suuqa kala iibisga xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska calciomercato ayaa sheegaya in xiddigan reer France uu doonayo in uu isaga tago Gunners marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddigan ayaan xilli ciyaareedkan si joogto ah ugu ciyaari kooxdiisa isaga oo kulamo badan kursiga kaydka ku qaatay kadib markii Alexis Sanchez weerarka tooska ah si fiican uga ciyaara.

Si kasta ha ahaatee xiddigan ayaa ka cabsi qaba in ay isla midaasi ku dhacdo xilli ciyaareedka dambe oo uu kursiga kaydka ka galo kooxda Arsenal.

Xiddigan ayaa doonaya in uu xilli ciyaareedka dambe isaga tago kooxda si uu  u aado koox uu si joogto ah ugu ciyaaro si uu u hubiyo booskiiisa xulka qaranka ee koobka adduunka 2018.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Giroud dalabyo kala duwan ka helay kooxo reer yurub ah taas oo ay ku doonayaan in ay xiddigan kaga kexeeyaan Gunners xagaagan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: