NATIIJO: Manchester City Oo Ka Aargudatay Liecester City Kulan Laba Rigoore La Dhigay Balse Mid Kamid Ah Sharci Ahaan La Diiday +SAWIRO.

Kooxda Manchester City ayaa kulan xiiso badan garoonkeeda kusoo dhoweysey kooxda Liecester City wxaana kulankaan uu ahaa kulan u muhiisan City.

Mancehster City ayaa kulankaan kusoo gashay si dar dar leh wxaana uu ahaa kulan qeeybta hore City kusoo gashay qaab fud fudud.

Labada kooxood ayaa waxaa ay sameeyeen fursado cajiib ah daqiiqada hore ee kulankaan balse City kama faa’ideeysan kubadahaasi.

Laakiin wax waliba Manchester City ayaa heshay goolka koowaad , waxaana goolkaasi oo muran badan keenay dhaliyey David Silva.

Ciyaartooyda kooxda Liecester City ayaa muran badan ka keeneen kulankaan waxaana uu ahaa goool uu hamiyey Raheem Sterlling.

Laakiin waa laga diiday ,waxaana ugu dambeeyntii City loo sheegay in kubadaasi ay saxantaya 1-0.

Daqiiqadooyin kadib City ayaa halkeeda kasii waday weerarkeeda wxaana ay heleen rigoore lagu galay Leory Sane.

Kubadaasi waxaa qaatay ciyaaryahan Gabriel Jessus kaasi oo dhaliyey goolka labaad ee kooxda Manchester City.

Qeeybta hore inta aysan dhamaan waxaa ay Lieceser City la yimaadeen gool waxaana kubad aan la qabankarin dhaliyey ciyaaryahan Okazaki.

Waxaana qeeybta koowaad ee kulanka la iska dhaliyey 3 gool , sidaas ayaana lagu kala nasatay 2-1.

Kulanka ayaa qeeybtiisa koowaad la isku soo laabtay waxaana uu ku bilowday si degan , maxaa yeelay labada kooxood ay sameeyeen dagaal xoogan.

Fursado fiican ayey sameeyeen Liecester City bilowga qeeybta labaad balse kama faa’ideysan fursadahaasi, waxaana ay ahaayeen fursado halis ah.

Daqiiqadii 56aad waxaa Liecester City ay sameeysey fursad cajiib ah balse Okazaki ayaa kubadaasi ka saaray Yaya Toure.

Kooxda Liecester City ayaa halkeeda kasii waday weerarka waxaana ay isku dayeen kubado halis ah , balse waxa ay ka dansaneeyd Verdy.

Daqiiqadii 67aad waxaana kulanka dhaawac looga saaray ciyaaryahanka kooxda Liecester City kaasi oo dhaawac looga saaray King.

Dagaalka waa ay sii wadeen kooxda Liecester City waxaana ay ugu dambeeyn heleen rigoore lagu galay Mahrez daqiiqadii 77ad.

Balse Wiilka reer Algeria ayaa kubadaasi ka qasaariyey kooxdiisa waxaana lagu qabsaday sharciga ah markii uu lugaha iskufsaday.

Waa uu dhaliyey goolka bale waa  laga diiday maadaama sharcigaas uu qalad yahay.

Kadib dhacdadaasi kooxda Liecester City ayaa naiyad jab xoogan maadaama ay iska qasaariyeen goolka rigoorada.

Kadib Manchester City ayaa kubad ku dhameeysay maskax waxaana ay inta badan heeysteen kubada , waxaana ay u ahayd maskax wanaagsan.

Manchester City ayaa ciqaab la kulantay daqiiqadaha ugu dambeeya ee ciyaarta kadib markii kulanka lagu daray 7 daqiiqo.

Ugu dambeeyn kulanka ayaa kusoo dhamaaday 2-1 ,natiijadaas oo City kusoo celisay booska 3aad ee Primer League ilaa kulanka Liverpool iyo West Ham United.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: