Maxaa Liverpool Kaga Qorsheeysan Xaalada Gooldhaliyey Daniel Sturridge ? Ma Dhab baa Inuu U Socdo West Ham United?

Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa xaalad xasilooni ah u muujiyey weeraryahanka kooxdiisa Daniel Sturrige kaasi oo maalmahaan lagu xamanayey inuu ka tegidoono kooxda LIverpool.

Dhaliyaha xulka England ayaa lala xiriirinayaa inuu aadidoono dhanka iyo West Ham United oo xidigaan  aad u baadi goobeysa waxaaana taasi ay ka caawinkartaa inuu sii wado bandhigiisa.

Xidigaan ayaan kasoo muuqan doorkiisa gooldhalinta tan iyo markii Liverpool uu a tagay Suarez , sababtoo ah xidigaan ayaa inta badan dhaawac garoomada kaga maqnaa.

Balse hada waxaa laga yaabaa in xilli ciyaareed kale uu kooxda sii joogo sababtoo ah Klopp waxaa uu rajeeynayaa in wiilkiisa uu wax badan ka caawiyo.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

”Daniel waa ciyaaryahan aan caadi ahay,” ayuu Klopp u sheegay saxaafada.

”Waa xidig tayo wanaagsan ,waxaan rajeeyneynaa inaan wada shaqeeyno sanadka soo socdo, xaalad ahaan hada ma wanaagsana isaga, balse waxaan rajeyneynaa inuu saameeyn xooga kooxda ku yeesho.

Macalinka kooxda Liverpool ayaa dhanka kale lala xiriirinayaa xidigo kale kuwaasi oo ku wanaagsan booska gooldhalinta , waxaana dalab ay goor dhow u gudbiyeen laga soo diiday kuna aadanaa Monaco.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: