Maxa Ka Soo Kordhay Xaaladii Dhaawac Ee Roberto Firmino Miyuu Diyaar U Yahay Kulanka Middlesbrough

Wargayska Express ee ka soo baxa dalka England ayaa warbixin ka soo saaray dhaawaca xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Roberto Firmino.

Xiddigan reer Brazil ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu kooxdiiisa u ciyaaro kulanka ugu dambeeya horyaalka ee ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Middlesbrough.

Firmino ayaa dhaawac ku seegay kulankii sabtidii ay kooxdiisu xasuuqa u gaysatay kooxda West Ham kadib dhaawac uu xiddigan ka cabanayay.

Xiddigan ayaa ka qayb qaatay tababarkii ugu dambeeyay ee ay kooxdu isugu diyaarinaysay kulanka Axada oo ah mid muhiim u ah kooxda.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Tababaraha kooxda Liverpool jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in aanu wax go,aan ah qaadan doonin ilaa maalinta Axad kaas oo ku aadan ka qayb qaadashadada xiddigan ee kulankaas.

Si kasta ha ahaatee warkan ayaa ah mid niyad u dhis weyn u ah taageerayaasha iyo kooxda Liverpool oo dagaal ugu jira sidii ay ugu dhamaysan lahaayeen boos ka caawiya in ay xilli ciyaareedka dambe ka soo qayb gasho champions league.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: