Maqaal: Ka Haritaanka Arsenal Ee Champions League Oo Kooxda Ku Ridi Kara Kala Daadasho Cad

Kooxda Arsenal ayaa kulanka ugu dambeeya horyaalka Premier league u dagaalami doonta sidii ay ugu soo bixi lahayd tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Gunners ayaa si xoogan ugu baahan in ay guul ka gaarto kooxda Everton kadibna rajayso in ay dhibco lumiyaan kooxaha Liverpool iyo Man City.

Kooxda Tababare Wenger ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed niyad jab leh iyaga oo ku dhibaatoonaya sidii ay xilli ciyaareedka dambe uga mid ahaan lahaayeen tartanka champions league.

 

Si kasta ha ahaatee U Soo bixitaanka champions league ee Arsenal ayaa faa,iido weyn u ah kooxda sidii ay u sii haysan lahayd xiddigaha ugu fiican kooxda.

Image result for bellerin,sanchez and Ozil

Kooxo badan oo reer yurub ah ayaa doonaya in ay Gunners ka harto champions league xilli ciyaareedkan si ay uga soo qaataan xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

 

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda ee Alexis Sanchez ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu kooxda isaga tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii ay kooxdu u soo bixi weydo champions league.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa sheegtay in ay ku kalsoon yihiin ay Arsenal ka qaadan doonaan Xiddiga garabka daafaca uga ciyaara ee Hector Bellerin.

Image result for Arsenal Transfer targets

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Mesut Ozil ayaa isna laga yaabaa in uu kooxda isaga tago hadii ay kooxdu ka harto champions league.

Tababare Wenger iyo Maamulkiisa ayay sidoo kale ku adkaan doontaa in ay la soo saxiixdaan xiddigo heer caalami ah oo kooxda ka caawin kara ku guulaysiga koobabka maadama ay xiddigaha waaweyn dhamaantood doonayaan ka ciyaarista tartanka champions league.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: