Man United Oo Markii Ugu Horaysa Ku Guulaysatay Koobka Europe League Ajax Ayay 2/0 Uga Talaabsadeen

Kooxda Man United ayaa guul qaali ah ka gaartay kooxda Ajax kulan ka tirsanaa finalka Tartanka Europe League oo ka dhacaday caasimada dalka Sweden ee Stockholm gaa r ahaan Garoonka Friends Arena.

Kulanka ayaa ku bilowday mid xiiso leh oo ay labada kooxoodba u soo galeen sidii ay garoonka uga bixi lahaayeen iyaga oo wata koobka

United oo ahayd koox ka khibrad badan kooxda Ajax ayaa kulanka maamulkiisa la wareegtay bilowgii kulanka waxana ay qaaday weerar badan oo uu hogaaminayo Rashford.

Daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta ayaya United heshay goolkeedii 1-aad iyada oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0 ay Hogaanka ku hayaan.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kadib goolka ayay man United sii xoojisay weerarkii ay ku haysa kooxda Ajax xilli Ajax ay isku dayayeen in ay marka hore fahmaan meesha ay wax ka si noqdeen inta ayna u aroor tagin goolka bar-baraha.

Ajax ayaa ciyaaraysay kubada rogaal celiska ah si ay goolka bar-baraha uga dhaliso kooxda Man United maama United ay weerar joogto ah ku haysay kooxda Ajax.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Man United kulanka ku hogaaminayso 1/0 iyaga oo kaliya 45 daqiiqo ka xigto koobkoodii ugu horeeyay ee Europe League ah.

Qaybta dambe ayaa ku bilaabatay mid ay xiddigaha United si weyn u soo tashadeen oo ay doonayeen in ay kulanka soo xiraan ka hor inta ayna Ajax ku soo laaban kulanka.

Daqiiqadii 48-aad ayay Xiddigaha Jose Heleen goolkoodi 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Henrik Mkhitaryan oo kulanka ka dhigay 2/0 ay United ku sii dheeraystay hogaanka kulanka.

Waxa sidaa ku soo dhamaatay ciyaar ay United gaartay guul ay u qalantay marka loo eego sidii ay u weerar tagaysay iyo sidii ay u difaacanaysay.

Man United ayaana markii ugu horaysay ku guulaystay koobka Europe League oo aan ku jirin qasnadeeda koobabkii ay kooxdu ku soo guulaysatay.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa ayaa sioo kale si Rasmi ah isaga xaadiriyay wareega Group-yada tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. cabaas says:

    waxaaasa imaraha




.

%d bloggers like this: