Man United Oo Chelsea Ku Ciriirinaysa Xiddig Dilaa Ah Oo Ka Xamaasha Horyaalka Italy Blues Ayaa In Muddo Ah Daba Socotay

Kooxda Man United ayaa kooxda chelsea,Inter Milan iyo Juventus ku ciriirinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Belguim iyo kooxda Roma ee Radja Nainggolan sida ay sheegayso shabakada Sky Sports.

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya in uu kooxdiisii hore ee chelsea ku garaaco saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo ee khadka dhexe dilaaga ku ah.

Xiddigan reer Belguim ayaa diirada u saaran kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadkooda dhexe.

Nainggolan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Caasimada isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Xiddigan ayaa xagaagii hore ku dhowaaday in uu ku biiro kooxda Blues laakiin xiddigan ayaa ugu dambayntii go,aansaday in uu isaga sii joogo kooxdiisa Roma.

Si kasta ha ahaatee wararka haatan la helayo ayaa sheegaya in uu Tababare Jose wax walba u samayn doono sidii uu xiddigaas ku keeni lahaa kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Man United ayaya tahay in ay dagaalka saxiixa xiddigan kaga adkaato kooxaha Juventus,Inter Milan iyo Chelsea kuwaas oo laftoodu ku dadaali doona helitaanka saxiixiisa.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: