Tuesday 21 November, 2017

Luka Modric Oo Looga Gacan Haadinayo Horyaalka Italy Iyo Maamulka Real Oo Diyaar U Ah In Ay Fasaxaan Xiddigan

Wararka ka imanaya dalka Spain gaar ahaan Magaalada Madrid ayaa sheegaya in milkiilayaasha cusub ee kooxda Ac Milan ay qorshaynayaan in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric.

Wargayska Don Balon ayaa sheegay in Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez furo iibka xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric hadii uu helo dalab dhan 50 Milyan oo euro.

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsa kooxda tababare Zidane ee xilli ciyaareedkan laakiin xiddigan oo da, noqday darteed Real Madrid ayaa laga yaabaa in ay iska fasaxdo xagaaga.

Maamulka cusub ee Ac Milan ayaa xagaaga lacag badan suuqa galin doona si ay u xoojiyaan kooxda dibna ugu soo celiyaan magacii ay ku lahayd kooxaha reer yurub.

Milan ayayna wax dhib ah ku ahayn in ay miiska saaraan lacagta ay Real Madrid ku fasixi karto xiddigan maadama ay maal qabeen yihiin milkiilayaasha la wareegay kooxda reer China.

Laakiin Milan ayaa tartan adag kala kulmi doonta kooxaha Bayern Munich,Man United iyo chelsea kuwaas oo doonaya khabiirkan khadka dhexe.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: