Kooxda BARI Oo Xasuuq U Gaysatay Kooxda SBC ,Xilli Kooxda BARI Ay Si Rasmi Ah U Hanatay Horyaalka puntland

Waxaa maanta  laso gaba-gabeeyey  horyaalkii kubadda  cagta  puntland  kaasi  oo soo socdey  mudo  ka  badan shan  bilood.

Ciyaartii kama  danbeysta ahayd  waxa  wada  Ciyaaryay  kooxaha  kala  ah  BARI  fc iyo  SBC   fc   oo ka kala  tirsan   magalooyinka   boosaaso iyo garoowe.

Ciyaartan  oo  ahayd  ciyaar  aad uxiisa badan  oo ay kasoo  qayb galeen   xiriirka kubada  cagta  ee puntland, wasaarada  sh/sh/dh/ iyo  cayaaraha  puntland iyo  taageerayaal  aad  ubadan  oo soo buux dhaafiyey  garoonka  ay  ciyaartu  ka  Dhacaysay.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Ciyaarta  ayaa ku  bilaaatay dar dar  xoog leh  iyadoo  markiiba  ay  hogaan ka   ciyaarta   qabteen kooxda  martida  ahayd  ee  SBC  iyadoo  ciyaartana  ay  noqotay  1/0.

Intaa  ka  dib  waxaa  bilowdey   goolal  is-daba  socda  oo ay  la imaanaysay  kooxda  BARI  fc.

Intii ayna  qaybtii hore ee ciyaartu  dhamaan  ayey kooxda martida  loo  ahaa  ay  natiijada  ciyaarta  dhinaca  kale  urogtay  iyadoo laba gool  oo deg-deg  ahaa  la yimaadeen .

Markii la iskusoo laabtay ayey kooxda  BARI  fc  ay  halkeeda  kasii  wadey  goolasha  ay  ka  dhalinaysay kooxda  SBC.

BARI  fc  ayaysan   waqti badan ku qaadan  iney markale  shabaqa  soo taabtaan waxayna  dhaliyeen  saddex gool  iyadoo  ciyaarta  natiijadeeda  ay  noqotay  5-1  oo  ay  ku horeyso kooxda  martida  loo ahaa  ee  BARI  fc.

Ugu  danbayn  ciyaarta  ayaa  kusoo  dhamaatay 5-1  oo ay guushu  ku raacdey kooxda  BARI  fc  iyadoo  SBC-na  ay  dhammaadkii  ciyaarta  iska  qasaarisey  gool kulaad   loo dhigay

Guushaan  ay  BARi  fc gaartey  ayaa  ka  dhigan in ay  noqdeen  horyaalka kubada  cagta ee puntland.

Waxaa  xusid  mudan  afar ka mid  ah   goolasha  ay  dhashatay kooxda  BARI  fc  waxay  ahaayeen  goolal  madax  ahaa.

Waxaa Warkaan Inoo Soo Diray 

Âbdîhämįd Zåcīîmkâ

Garowe 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Young says:

    Ciyarta sawirdoda wa in laso galiya web site ka




.

%d bloggers like this: