Juventus Oo Heshiis La Gaartay Xiddig Qaab Ciyaareed Fiican Ku Jira Oo Italy Dhexdiisa Ka Xamaasha

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in Kooxda Juventus ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lazio ee Keita Baldé Diao.

Xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ayuu heshiiska uu kula jiro kooxda Lazio dhici doonaa sanadka 2018 waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Kooxda Ac Milan ayaa qarka u saarnayd in ay xiddigan heshiis la gaarto laakiin sida ay qorayso wargayska Sports Italia kooxda Juventus ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay wakiilada xiddiga.

Juventus ayaa haatan dalabkii ugu horeeyay miiska u saari doonta kooxda Lazio iyada oo diyaarisay dalab lacageed oo dhan 30 Milyan oo euro iyo waliba lacago ku xiran qaab ciyaareedka xiddigan da,yarka ah.

Xiddigan reer Senegal ayaa qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay isaga oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 15 gool caawiyena ka ahaa 6 kale 33 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Lazio.

Juventus ayaa saxiixa xiddigan ku garaacaysa kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ugu horeeyaan kooxaha Chelsea iyo Liverpool kuwaas oo xiiso u muujiyay xiddigan da,yarka ah.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: