Jose Mourinho Oo Si Jees Jees Leh U Hadlay Ka Dib Markii Kooxdiisa Uu Ku Hogaamiyay Koobka Europa League

Tababare Jose Mourinho ayaa hoosta ka xariiqay in kooxdiisa ay xaalad wacan ay ku dhameysteen xilli ciyaareedkaan.

Kooxsaas ka dhisan qalcadda Old Trafford ayaa xalay ku guuleysatay tartanka Europa League oo ay laba gool uga qaadeen kooxda Ajax waxaana saxiixay Pogba iyo Henrik Mkhitaryan

” Xilli ciyaareed adag ayaa soo dhamaaday balse dagaal aan u galnay tan iyo biloowgii Europa League ayaa keenay in aan qaadno koobkaan”.

” Kubadda cagta gabyaa badan ayay leedahay balse inta badan ma qaadaan wax horyaal ah ,mana doonayo in an maqlo wax kubada cagt ku saabsan haatan waayo fasax ayaan galay” ayuu sii raaciyay Jose

” Arin ayay adag ayay aheyd in kooxda wax wanagsan soo bandhigto xilli xiddigo muhiim ahaa ay ka maqnaanayeen kooxda”

Haatan guushaas Europa League waxa ay United ka caawisay in ay toos ugu soo baxaan Champion-ka oo xilli ciyaareedka dambe Ingiriiska 5 koox ayaa uga qeyb galeysa tartankaas

Comments

comments

Leave a Reply