JAWAAB: William Oo U Jawaabay Manchester United & Jose Mourinho Balse Qiray Shaqsiga Ka Dambeeyey Kubaddiisa

Ciyaaryahanka kooxda Chelsea William ayaa ka hadlay wararka sheegayaan inuu soo dalbaday Jose Mourinho kaasi oo markiisa hore joogi jiray kooxda Chelsea.

Macalin Mourinho ayaa damacasn in xilli ciyaareedka soo socda uu lasoo wareego qaar kamid ah xidigihii ay kasoo wada shaqeyeen kooxda Chelsea.

ESPN Brasil ayaa kasoo xiganeysa Sport Witness in xidigaan uu u jawaabay Manchester United waxaana uu sheegay inuusan meelna uga socon kooxda Chelsea.

”Dhamaantooda wax badan ayaan ka bartay, waxaana iga caawiyeen hormarkeeyga,’ ayuu sheegay xidigaan.

”Markii aan tagayey Shakhtar, waxaan la shaqeeyey Lucescu, markii aan kooxadas ka tagay waxaan kooxda Anzhi la joogay Guus Hiddink, markii aan imaanayey Chelsea -na wax badan ayaan ka bartay Jose Mourinho.

”Sidaasi darteeda dhamaantooda waa ay i caawiyeen, balse mar waliba shaqsi ayaa saameeyn ku lahaanaya hormarkaaga, adigana waad dareemikartaa shaqsigaasi.

”Macalinka i caawiyey an iyo markii aan imaaday Chelsea, dib iigu soo celiyey qaab ciyaareedkeeyga, sidoo kale ii fududeeyey inaan ka jawaabo su’aalo badan waa Mourinho.

Willian drops major hint over Man Utd transfer and reveals 'special' bond with Mourinho

”Arimaha kale ee suuqa iyo England dhamaantooda waa waxyaabo saameeyn leh , qof waliba ayaa rajeeynaya inuu sidaas sameeyo , balse aniga ahaan waxaan jeclahay inaan halkaan joogo.

 

Comments

comments

Leave a Reply