Hordhaca Real Madrid VS Sevilla : Real Madrid Oo Wajeheeysa Kooxdii Xilli Ciyaareedkaan Ka Reebtay Del Rey

Kooxda Real Madrid ayaaa kulan xiiso badan soo dhoweeyndoonta kooxda Sevilla ,waxaana kooxda uu Zidane hogaaminayo laga doonayaa inay wacdaro ka sameeyneyso La Liga.

Macalin Zidane kooxdiisa ayaa damacsan in kulankaaan ay keento natiijo wanaagsan ,waxaana kooxda uu Zidane sidoo kale kulankaan uu hogaaminayaa La Liga haddii uu badiyo , Barcelona-na ay kufto.

Kulanka: Real Madrid VS Sevilla.

Garoonka; Bernabue.

Saacada Kulanka: 9:00 Caawa.

Xaqiiqooyinka Kulanka.

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda kaliya ee lix gool iyo wax ka badan La Liga ka dhalisay kooxda Sevilla 10-kii sano ee ugu dambeeysey 3 jeer ayaa sidaas lagu sameeyey kooxda Sevilla.

Kadib dhacdooyinkaasi kooxda Real Madrid ayaa shabaeeda gool ka ilaashatay kulankii ugu dambeeyey, si walba markii ugu dambeeysey oo ay Real Madrid gool ka ilaashato December 2016.

Xilli ciyaareedkaan Real Madrid ayaa ka adkaatay Sevilla UEFA Super Cup-ka , balse waxaa iyagana laga reebay tartanka Copa Del Rey.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey 23 gool kulamada uu wajahay kooxda Sevilla  tartamada oo dhan , waxaana ay kamid tahay kooxaha uu aadka u jecelyahay.

Sergio Ramos ayaa dhaliyey gool midkasta oo kamid ah seddexdii kulan ee ugu dambeeysey Sevilla uu wajahay tartamada oo dhan.

Stevan Jovetic ayaa laba gool u dhaliyey kooxda Sevilla ,waxaana dhamaantooda ama labada gool uu ka dhaliyey kooxda Real Madrid.

 

 

Comments

comments

4 Responses to "Hordhaca Real Madrid VS Sevilla : Real Madrid Oo Wajeheeysa Kooxdii Xilli Ciyaareedkaan Ka Reebtay Del Rey"

  1. Waxaan layaabay beenta eey nosoqorayan real cup delary waxaa ka cirbtirtay celta vigo beenalayaal wabsetkina waa fashil socdo gubata

    Reply

Leave a Reply