Franck Ribéry Oo Ku Sii Jeeda Horyaalka Dalkiisa Hooyo Kooxdiisii Hore Ayuu Doonayaa In Uu Ciyaaraha Kaga Fariisto

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka France iyo Kooxda Bayern Munich ee Franck Ribéry in uu dib ugu laaban doono kooxda Marseille.

Xiddigan 32 jirka ah ayaa kooxda Bayern Munich kaga soo biiray kooxda Marseille sanadkii 2007 isaga oo noqday halyeeyada kooxda reer Germany ee Bayern Munich kadib markii uu kooxda kula guulaystay koobab badan.

Wargayska le10sport ayaa sheegay in Franck Ribéry uu ka fikirayo in uu mar kale ku laabto kooxdiisii hore ee Marseille ka hor inta uuba ciyaara ka fariisan.

Xiddigan khabiirka ah ayaa dareensan in booskiisa Kooxda Bayern Munich khatar ku jiro maadama uu haatan noqday da, ay kooxdana suuqa ka doonaso xiddiga reer chile ee Alexis Sanchez.

Sidaa darteed xiddigan ayaa doonaya in uu ciyaaraha ku soo gaba-gabeeyo kooxdiisii hore ee Marseille kooxdiisana ka caawiyo ku guulaysiga horyaalka Dalkaas.

Kooxda.com ayaa xusaysa in heshiiska xiddigan reer France uu kula jiro kooxda hanataya horyaalka Dalka Germany ee xilli ciyaareedkan uu dhici doono sanadka 2018.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: