Dib U Eegid: Marcus Rashford Oo Boorka ka Jafay Rikoor Xiddig England Ka Soo jeeda Uu Dhigay Sanadkii 1980 Laakiin Muxuu Qabtay?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United Marcus Rashford ayaa boorka ka jafay rikoor laga dhigay finalka tartamada yurub sanadkii 1980 kadib markii uu ku soo bilowday shaxda kooxdiisa kulankii finalka Europe League.

Marcus Rashford ayaa hogaamiyay weerarka kooxdiisa man United maadama uu man United ka dhaawacnaa weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic.

Xiddigan ayaa noqday xiddigii ugu yaraa ee England u dhashay ee safta kulan Final Yurub ah isaga oo la bar-bareeyay xiddigaha Gary Mills oo sanadkii 1980 noqday xiddigii ugu yaraa ee England ah ee safta kulan final ah.

Marcus Rashford ayaa finalka ku saftay isaga oo jira 19 jir iyo 205 Maalmood isaga oo la bar-bareeyay xiddiga Gary Mills oo u saftay kooxda Nottingham Forest sanadkii 1980.

Kooxda Man United ayaa si qurux badan ugu guulaysatay koobka tartanka kadib markii 2/0 ku garaacday kooxda Ajax

Comments

comments

Leave a Reply