Daafaca Kooxda PSG Marquinhos Oo Wadnaha Kala Jaray PSG , Barcelona & Kooxo Kale Oo Damacsanaayeen Inay Kasoo Kaluumeeystaan PSG

Mid kamid ah xidigaha kooxda PSG ayaa niyada ka jebiyey kooxaha kala ah Barcelona, Chelsea iyo kooxo kale kuwaasi oo dhamaantooda doonayeen inay helaan ciyaaryahanka kooxda PSG Verrtatti.

Daafaca kooxda Paris Saint Germany Marquinhos ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibkiisa Veratti ay joogidoonaan PSG xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda Barcelona ayaa damacsan in xidigaan ay kasoo qaadato PSG , sababtoo ah waxaa ay doonayaan inay ka dhigaan bedelka Iniesta.

”Veratti waxaa uu leeyahay tayo wanaagsan , waxaana uu damacsan yahay inuu wax badan ka caawiyo kooxdiisa ,” ayuu sheegay Marquinhos.

Xidigaan ayaa sidoo kale sheekada ku daray in isaga iyo saaxiibkiisa ay diyaar u yijiin inay kooxda sii joogayaan.

”Xitaa aniga waxaan doonayaa inaan halkaan sii joogo xilli ciyaareedka soo socda,” ayuu sidoo sheegay Marquinhos.

Marquinhos ayaa aad loola xiriirinayey kooxo  badan oo ka dhisan Primer League,waxaana kamid ah kooxda Manchester United.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: