XANTA SUUQA: Manchester City Oo Dharbaaxday Dalab Layaab Leh Oo Mid Kamid Ah Kooxaha Spain Kasoo Gudbisay Aguero

Kooxda Mancehster City ayaa iska diiday dalab gaaraya £60million oo ay kooxda Real Madrid kasoo gudbisay weeraryahanka kooxda City Sergio Aguero kaasi oo kamid ah xidigaha kooxda City ee ka tegikara Etihad.

Sida ay daabacday Majalada The Sun Sergio Aguero ayaan ku qanacasaneeyn kooxda Manchester City waxaana macquul ah in xidigaan uu baneeyo kooxda.

Aguero ayaa kooxda City wax badan ka bedelay , balse xidigaan ayaa hoos u dhac sameeyey xilli ciyaareedkaan kulamadii hore waxaana uu sidoo kale ka naxay markii ay kooxda lasoo wareegtay Gabriel Jessus.

28-sano jirkaan ayaa koox badan lala xiriirinayaa waxaana macquul ah inuu kooxahaasi doorto xilli ciyaareedka soo socda maadaama uusan wali wax fursad helikarin haddii uu soo laabto Gabriel.

Wiilkii hore ee kooxda Atletico Madrid ayaa sidoo kale ku aadi lahaa ama uu la dagaali lahaa kooxdiisa hore ee Atletico Madrid waa haddii Real Madrid xooga saari lahayd.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: