XANTA SUUQA: Mancehster City & Chelsea Oo Ku Dagaalamidoonaan Daafac Muhiim Ah Oo Ka Dheela Seria A

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola aya lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo daafaca kooxda Juventus Leonadro Bannoci kaasi oo hada kooxo badan lala xiriirinayo.

30-sano jirkaan ayaa hada loo arkaa inuu wali ku jiro qaab ciyaareedkiisa ugu wanaagsan kubada cagta waxana macquul ah inuu la midoobo Guardiola oo jecel waaya aragyada.

Kooxda Juventus ayaa xidigaan ku adkaandoonta inay fasaxdo maadaama uu kamid yahay shaqsiyaadka isku haaya daafaca dambe ee kooxda Juventus.

Daily Telegragh ayaa ku warameysa in kooxda Manchester CIty ay xidigaan ugu baahantahay inuu u buuxiyo booska Kompany oo noqday xidigo dhaawac badan.

Sidoo kale waxaa ay majaalda ku dareeysaa in Macalin Guardiola uu qorsheeynayo in xidigaan uu ku darsado qorshihiisa cusub ee sanadka soo socda.

Sidoo kale Macalin Antonio Conte oo ah hogaamiyaha kooxda Chelsea ayaa xidigaan lala xiriirnayaa maadaaama ay kasoo wada shaqeeyeen kooxda Juventus.

Lama oga kooxaha kale ee xidigaan rabaan balse Juventus ayaa la fahansanyahay in xidigaan qaab ciyaareedkiisa la dheceen lana kulmayaan dagaal adag.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: