XANTA SUUQA: Madaxweeynaha Kooxda Real MAdrid Florentino Perez Oo La Dhacay Qaab Ciyaareedka Mid Kamid Ah Xidigaha Kooxda Bayern Munich

Kooxda Real Madrid ayaa indhaha ku heeysa daafaca kooxda Bayern Munich David Alaba kaasi oo bandhig wanaagsan sameeyey kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisa ay la dheeshay Real Madrid.

Kooxda uu hogaamiyo Macalin Zidane ayaa xidigaan u aragtay mid u muhiimsan kooxdeeda wxaaana ay damacsantahay inay kasoo wadato kooxda Bayern Munich sida ay baahisay Diario Gol.

Alaba ayaa kamid ah xidigaha ka ciyaara daaafaca kuwaasi oo waxna weerar sidoo kalena daafactamaan waxaana uu wacdaro ka sameeyey tartanka Champions League inkastoo kooxdiisa la reebay.

Madaxweeynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa xidigaan aad ula dhacay bandhigiisa ,waxaana uu dalbanayaan in kooxda la keeno.

Si walba xidigaan ayaa sidoo kale bartilmameed u ah kooxda garoonka Comp Nou ku dheesha ee Barcelona ,waxaana uu qaab cajiib ah kusoo bandhigay Yurub.

Lama oga in Bayern Munich ay xidigaan fasixidoonto waxaana uu sidoo kale dalbankaraan kooxda isaga dooneysa.

Comments

comments

Leave a Reply