XANTA SUUQA: Kooxda Real Madrid Oo Qorsheeyneysa Inay Heshiiska U Kordhiso Mid Kamid Ah Halbowliyaasheeda

Kooxda Real Madrid aya hada qorsheeyneysa inay heshiiska ka saxiixato ciyaaryahankeeda muhiimka u ah ee Sergio Ramos kaasi oo kooxda wax badan ka saaciday inay guulo gaarto.

Majalada kasoo baxday Spain ee MARCA ayaa ku warameysa in kooxda Real Madrid ay diyaar u tahay in heshiis hal sano ah ay ka saxiixato ciyaaryahankeeda muhiimka ah eee RAmos.

Ramos ayaa wax badan bad baadiyey kooxda Real Madrid waxaana xidigaan uu hada ku qanacsanyahay kooxda maadaama laga dhigay kabtanka kooxda kadib markii uu kooxda ka tagay Ikar Cassilas.

Sergio Ramos ayaa dhowaan heshiiska u krodhiyey kooxda Real Madrid ,waxaana uu gaarayaa heshiiskaasi 2020 balse Real Madrid ayaa qorsheeyneysa inay ugu sii daraan heshiis hal sano ah kaasi oo gaaridoona 2021.

Agaasimaha guud ee kooxda iyo Madaxweeynaha kooxda ayaa isku raacay in xidigaan heshiiska loo kordhiyo waxaana macquul ah in xidigaan uu qabalo heshiiskaasi.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: