Warbixin+Saadaalin: Yaad Isleedahay way Isku Dhici Karaan Isku Aadka Champions League Oo La Samayn Doono Maalinta Bari Ah?

Tartanka champoins leageu ayaa maraya meel xamaasad leh kadib markii ay isku soo hareen 4 kooxood oo mid kasta dhiiga u shubi doonto sidii ay u noqon lahayd kooxda gaarta Finalka champions league xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid oo ah kooxda champions league difaacanaysa ayaa soo jiidhay kooxda Bayern Munich iyada oo lugtii 1-aad ku soo garaacday 2/1 halka ay Lugtii 2-aadna ugu quus goyasy 4/2 iyaga oo isku gayn ahaan ku badisay 6/3 sidaasna isaga xaadirisay wareega 4 dhamaadka.

Image result for real madrid champions league 2017

Kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid ayaa iyadu dirqi ugu soo baxday iyada oo Lugtii 1-aad 1/0 uga soo badisay kooxda Lieceter city halka lugtii 2-aadna ay bar-baro 1/1 ah la gashay sidaasna isku gayn ahaan ugu soo baxday 2/1 iskana xaadirisay wareega 4 dhamaadka tartankan.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Kooxda Monaco oo wacdaro dhigaysa ayaa si qurux badan ugu soo baxday wareega 4 dhamaadka iyada oo lugtii 1-aad kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund ku soo garaacday 3/2 halka ay lugtii 2-aad ku graacday 3/1 iyada oo isku gayn ahaa ku soo baxday 6/3 sidaasna ugu sii wadatay riyadeeda ah ku guulaysiga champions league xilli ciyaareedkan.

Image result for Atletico Madrid champions league 2017

Kooxda Juventus ayaa iyadu sanadkan ka aarsatay kooxda Barcelona iyada oo lugtii 1-aad ku garaacday 3/0 halka ay lugtii 2-aad ku qabatay bar-baro 0/0 ah sidaasna isaga xaadirsay wareega 4 dhamaadka champions league.

Hadaba kooxaha isku haray ayay mid kasta isha ku haysaa in ay noqoto kooxda u gudbi doonta finalka champions league xilli ciyaareedkan si ay u noqoto kooxda ku ciyaari doonta magaalada Carddif ee lagu qaban doono finalka champions league xilli ciyaareedkan.

Image result for juventus champions league 2017 squad

Sidii caadada ahayd sanadihii ugu dambeeyay dalka Spain ayaa laba kooxood ku lhe wareega 4 dhamaadka kuwaas oo kala Ah Real Madrid iyo Atletico Madrid iyaga oo soo celin kara sidii sanadkii 2015/2016 wakhtigaas oo ay labadaas kooxood finalka ku kala qaadeen magaalada Milan.

Dhanka kale Kooxaha Juventus iyo Monaco ayaa isugu iman kara finalka champions league iyaga oo tartanka ka cirib tiri kara kooxaha ka dhisan magaalada Madrid kadibna calaf kooda ku kala qaadi kara finalka tartankan.

The home side went up to their fans at the end of the game to thank them for their support during the game

Waxa dhici karta in ay finalka iska hor yimaadaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus kuwaas oo soo celin kara finalkii sanadkii 1997/1998.

Kooxaha Real Madrid iyo Monaco ayaa isku dhici kara kuwaas oo soo celin kara kulankii 8 dhamaadka ahaa ee sanadkii 2003/2004 wakhtigaas oo xeer lagu reebay kooxda Real Madrid.

Atletico Madrid iyo Monaco ayaa iska hor iman kara xilli ay yihiin 2-da kooxood ee aan horay isugu iman final ama wareega 4 dhamaadka tartankan.

Juventus ayaa sidoo kale ku dhici karta kooxda Atletico Madrid oo iyaduna markii ugu horaysay isaga hor iman kara finalka ama wareega 4 dhamaadka.

Hadaba Akhriste ka hor isku aadka oo la samayn doono bari oo jimce ah yaad is leedahay way  isku dhici doonaan yaa kale oo aad aaminsatahay in ay xilli ciyaareedkan isaga hor iman doonaan finalka champions league xilli ciyaareedka?

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. caydaro says:

    Real vs juventus
    Rojiblancoz vs monaco




.

%d bloggers like this: