Warbixin:123 Milyan Oo Aan Barcelona Hal Gool U Dhalin Tartanka Champions League Laakiin Sidee?

Wargayska Sports ee ka soo Spain ayaa weerar ba,an ku qaaday maamulka kooxda Barcelona iyaga oo ku weeraray saxiixyadii ay sameeyeen xagaagii hore.

Wargayska ayaa sheegay in kooxda Barcelona xagaagii hore 6 xiddig kula soo wareegtay lacag dhan 123 Milyan oo euro xilli ayna dhamaantood waxba ku soo kordhin kooxda xilli ciyaareedkan tartanka champions league.

Waxa uu intaa ku daray in ay maamulka kooxda Barcelona ku fashilmeen in ay kooxda u soo daraan xiddigo wax tar u leh kooxda maadama dhamaan xiddigihii ay la soo saxiixatay uuna midkood wax gool ah u dhalin kooxda kulamadii champions league xilli ciyaareedkan.

1492680272112

Taas ayaana keentay in ay kooxda Barcelona ka harto tartanka champions league oo xalay ay kooxda Juventus ka cirib tirtay kadib bar-baro ay kula gashay garoonka Camp Nou.

Kooxda Barceloa ayaa la soo wareegtay xiddigaha André Gomes (35 milyan),Jasper Cillessen (13 milyan),Denis Suarez (3 milyan),Paco Alcácer (30 milyan),Samuel Umtiti (25 milyan),Lucas Digne (17 milyan).

Wargayska Sports oo ku dhow kooxda Barcelona ayaa sheegay dhamaan saxiixyadaadi noqdeen qaar fashilmay marka laga reebo saxiixa Samuel Umtiti daqiiqado badan u ciyaaray tartamada kala duwan ee ay kooxdu ciyaartay.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: