WARBIXIN XIISO BADAN: Ma Antonio Conte Ayaa U Meceeyey Dadka? Arsenal Oo Noqotay Kooxdii 17 Aad Ee Horyaalka Primer League Isticmaasha Shaxda Seddexda Daafac(20 Sano Kadib Wengar Ayaana Shaxdiisa Bedelay Todobaadkaan)

Todobaadkaan kooxda Arsenal ayaa kulan xiiso badan waxaa ay la ciyaartay naadiga Middlesbrough waxaana kulankaasi uu ahaa kulan xiiso badan.

Macalin Wengar kooxdiisa waxaa ay ka adkaadeen kooxda  Middlesbrough waxaana goolashaasi looga mahadcelinayaa Ozil iyo Sanchez.’

Natiijadaas marka laga soo tago waxaa jira rikoor gaar ah oo ay habeenkaasi sameeysey kooxda Arsenal kadib markii uu ciyaaray seddex daafac.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Arsenal todobaadkaan waxaa ay noqotay kooxdiisa 17aad ee ka dhisan horyaalka Primer League taasi oo adeegsatay seddex daafac.

Kaliya seddex kooxood ayaa ilaa iyo aan adeegsan shaxdaasi sida kaaga muuqdaan sawirka.

Sidoo kale waa markii ugu horeeysey tan iyo 1997 inuu Wengar adeegsado habkaan ,waxaana uu kusoo bilaabay daaficiisa Rob Holding , Gabriel & Laurent Koscielny.

‘’Waa markii ugu horeeysey 20 sano kadib aan bedelayo hab ciyaareedkeeyga ,’ Wengar ayaa sidaasi sheegay.

Shaxdaan waxaa caan ku ah kooxda Chelsea Primer League waxaana ay Chelsea ku gaartay guulo muhiim ah.

Teams have followed Chelsea's switch to three at the back - with success

Macalin Antonio Conte oo u dhashay taliyaaniga ayaa hada shaxdaan adeegsado inta badan waa ay ku badiyaan.

Kooxo badan ayaa xilli ciyaareedkaan tijaabiyaan ,waxaana kamid ah kooxda Barcelona oo hada mararka qaar adeegsata seddex daafac.

Three at the back has been used far more this season than in 2015/16

Chelsea ayaa kulankii ugu dambeeyey guuldaro la kulantay waxaana ka badisay Mancehster United ,waxaana ay ahayd guuldaradii seddexaad tan iyo markii ay bilaabeen seddex daafac.

Waxa ay horey guuldarooyin kasoo qaateen Crystal Palace Iyo Tottenham , balse inta kale waa ay dagaalameen kooxda Chelsea.

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: