WARBIXIN: Ronaldo, Luis Figo, Diego Maradona, Dani Alves & 10 Ciyaaryahan Oo Ay Barcelona Ku Qaldaneeyd Inay Iska Iibiso (Inaatadan Falin Ka Fiirso)

Kooxda Barcelona waxaa ay caan ku tahay inay soo saarto ciyaaryahano cajiib ah kuwaasi oo kasoo baxa xeradeeda La Mesia.

Barcelona waxaa ay sameeysaa mararka  qaar qaladaad ah inay iska iibiyaan xidigo kuwaasi oo kooxda muhiim u ah

DIEGO MARADONA |

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Mucjisada kubada cagta waxaa lagu tiriyaa halyeeyadii ku qaldoontay Barcelona inay iska iibisay 1982.

MICHAEL LAUDRUP |

Go’aankii Barcelona ay kusoo qaadatay dhaliyaha u dhashay wadanka Brazil ee Romario 1993, waxaa ay soo gaba gabeeysey MICHAEL LAUDRUP noloshiisa ee garoonka Comp Nou.

Xidigaan ayaa kamid ahaa xidigihii ugu fiicnaa ee kooxda Barcelona ay iska iibisay kadibna ka shalaaysey.

LUIS FIGO |

Waxaa uu ahaa iibkii ugu cajiibsanaa ee ka dhaca kubada cagta sababtoo ah Figo waxaa uu ka tagay Barcelona isagoo ku biiray Real Madrid oo ayBarcelona xifaaltamaan.

Barcelona taageeriyaasheeda ilaa iyo hada ma daneeyaan Figo oo uma arkaan halyeey soo maray kooxdooda.

RONALDO |

Ilaa iyo waaa lasoo qaataa , sababtoo ah maba jiro weeraryahan kaga wanaagsan dhanka gooldhalinta xidigaan.

Balse Barcelona  waa ay iska fasexeen ciyaaryahankaan oo 47 gool ku dhaliyey 49 kulan oo Barcelona u saftay

Balse Real Madrid ayaa kamid ahayd kooxihii ku faa’iday , waxaa uu xitaa ku guuleeystay laacibka aduunka.

THIAGO MOTTA |

Waxaa ay kamid ahaayeen qaladaadkii ay Barcelona sameeysey markii la joogay Comp Nou ,waxaana ay fasaxday xidigo muhiim ah.

Kooxdaan aya xidigihii ay fasaxday kamid ah waaya araga reer Taliyaani ee Thiago Motta.

LUIS SUAREZ |

Ma ahan midka hada jooga, 1960 waxaa Barcelona soo maray Luus Suarez oo u dhashay wadanka Spain kaasi oo ku guuleeystay Ballon d’Or  1960.

SAMUEL ETO’O |

Ciyaaryahanka u dhashay wadanka Cameron ayaa laga fasaxay garoonka Comp Nou,waxaana xidigaan uu muhiim u ahaa kooxdiisa.

Waxaana ay soo qaateen Zlatan Ibrahimovic  oo ku fashilmay garoonka Comp Nou.

THIAGO ALCANTARA |

Waaba dheyman hada ku faa’ideeyso kooxda Bayern Munich markaad fiirisid qeeybintiisa, Barcelona waxaa waajib ku ah inay dib usoo celiyaan xidigaan.

CESC FABREGAS |

Waxaa uu ahaa xidig kale oo magac ka sameeyey garoonka Comp Nou balse Barcelona waaa ay fasaxaday xidigaan oo kasoo qalin jebiyey xerada La Masia.

Marka hore waxaa loo ogolaaday inuu ku biiro kooxda Arsenal isagoo 16 sano jir ah.

Kadib Barcelona ayaa soo ceshatay xidigaan 8 xilli ciyaareed kadib waxaa ay markale siiyeen Chelsea.

DANI ALVES |

Waxaa uu ahaa ciyaaryahanka kaliya ee kooxda Barcelona u xakameeynayey dhanka daafaca midig waxaana ay Barcelona aqbashay in xidigaan uu iskaga tago ee uu si bilaash ah ugu biiro kooxda Juventus.

Xidigaan ayaa Barcelona u saftay wax ka badan 400 kulan ,waxaana uu hada xernayahay maaliyada Juventus isla kooxdisa hore ayaa loo adeegsanayaa

Sergio Roberto iyo Alexis Vudal waa ay ku guuldareysteen inay booskaasi buuxiyaan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: