Warbixin: Kulamada,Goolalka Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulamada Kooxaha Real Madrid Vs Atletico Madrid Ee Ku Saabsan Kulamada Yurub

Waxa la soo saaray isku aadka wareega 4 dhamaadka champions league xilli ciyaareedkan iyada oo la soo saaray kulamo xiiso leh inkasta oo ayna dad badan filanayn laakiin shaki la,aan waxa la daawan doona ciyaaro xiiso leh sidii looga bartay tartanka.

Isku aadkan ayaan ahayn markii 1-aad ee ay labadan kooxood isku arkaan tartamada yurub iyaga oo sanadihii ugu dambeeyay isku arkay finalkii 2014 iyo 2016 iyada oo ay labada jeerba kooxda Real Madrid ku guulaysatay koobka.

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa horay isaga hor yimid tartankan 7 jeer kulama yurub iyada oo ay kooxda Real Madrid 4 kulan badisay halka 2 kulan ay bar-baro galeen hal kulana ay Atletico Badisay 7-daa kulan ee ay labada kooxood wada ciyaaraan kooxda Real Madrid ayaa dhalisay 10 gool halka kooxda Atletico Dhalisay 5 gool.

Hadii aynu eegno dhanka tartanka champions league labadan kooxood ayaa isaga hor yimid 4 jeer kooxda Real Madrid ayaa badisay 2 kulan halka ay 2 kulan oo kale ay bar-baro galeen oo ayna wax guul ah gaarin kooxda Atletico Madrid.

Xiddigaha Kooxda Roji Blancos ayaa dhaliyay 2 gool halka xiddigaha kooxda Los Blancos ay dhaliyeen goolal 6 gool ah.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: