Warbixin: Kadib Markii Ay Isku Aadeen Man United Wax Ka Baro Kooxda Celta Vigo

Manchester United-Celta Vigo

Kooxda Man United ayaa ku aaday kooxda reer Spain ee Celta Vigo wareega 4 dhamaadka tartanka Europe League kuwaas oo ay isku dayi doonaan in ay soo dhaafaan finalkana iska xaadiriyaan.

Laakiin ka hor inta ayna wada kulmin labadan kooxood waxa aynu warbixin kooban ka soo gudbin doonaa waxa ay tahay kooxda Celta Vigo.

Waa Tuma Celta Vigo?

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Image result for celta vigo fc squad

Celta Vigo waa Koox ka dhisan Vigo Magaalada Galicia ee ku taala woqooyi galbeed dalka Spain, Waxana ay ka ciyaartaa horyaalka heerka 1-aad ee Spain La Liga.

Waxa ay xilli ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga, Laakiin waxa ay xilli ciyaareedkan ku jirtaa kaalinta 10-aad xilli 9 kulan harsan yihiin horyaalka.

Celta waligood kumay guulaysan horyaalka La Liga ama Copa Del Rey, wakhtigii ugu fiicnaa ee horyaalka waxa ay ku dhamaysteen kaalinta 4-aad waxana uu ahaa xilli ciyaareedkii 2002-03.

Tababaraha haatan kooxda Maamula ayaa ah Eduardo Berizzo waxana uu shaqada kooxda qabtay sanadkii 2014, waxana uu ahaa xiddig kooxda u soo ciyaaray intii u dhexaysay sanadihii 2001/2005.

Eduardo Berizzo

Garoonka ay ku ciyaaraan ayaa lagu magacaabaa Estadio Municipal de Balaidos waxana uu qaadaa taageerayaal dhan 29,000 oo taageere.

Waa Noocee Maaliyada Ay Xirtaan?

Image result for celta vigo jersey 2017

Celta Vigo waxa ay xirataa maaliyad Buluug cadaan ah waxana lagu naanaysaa Sky Blues.

Sidee Ayay Ku Soo Gaartay Wareega 4 Dhamaadka ama Semi finalka:

Image result for Celta vigo vs Genk Result

Waxa ay Group-kooda kaga soo bexeen kaalinta 2-aad iyaga oo isku Group ahaa kooxaha Ajax, Standard Liege iyo Panathinaikos

Waxa ay sidoo kale wareegii is reeb-reebka ku soo reebtay kooxaha Krasnodar iyo Shakhtar Donetsk.

Celta Vigo ayaa kabaha la soo dulmartay kooxda Genk iyada oo ku reebtay wareega 8 dhamaadka sidaasna ugu soo gudubtay wareega 4 dhamaadka.

Waa Kuwee Xiddigeheeda ugu Khatarsan:

Iago Aspas

Weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool ee Iago Aspas ayaa ah gool dhaliyohooda ugu sareeya isaga oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 23 gool tartamada oo dhan.

Weeraryahankii hore ee kooxda Man City John Guidetti ayaa ah gool dhaliyeheeda ugu sareeya dhanka Europe League isaga oo dhaliyay 4 gool.

Xiddiga garabka uga ciyaara ee  Daniel Wass ayaa sidoo kale ah xiddig halis ah oo ay tahay in United iska eegto.

Weeraryahankii hore ee kooxda Man United Giuseppe Rossi ayaa isugu dhaawac uga maqan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Goorma ayay La Ciyaari Doonaan Man United:

Image result for Celta vigo vs Man united

Celta Vigo ayaa Man United la ciyaari doonta Semifinalka ama 4 Dhamaadka Europe League, Kulankan lugtiisa 1-aad ayaa la ciyaari doonaa maalin khamiis ah 4 bisha May waxana lagu ciyaari doonaa garoonka Celta ee Balaidos Stadium.

lugta 2-aad ayaa la ciyaari doonaa 11 bisha may maalin khamiis ah waxana lagu ciyaari doonaa Garoonka Kooxda Man United ee Old Trafford.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: