WAR FARXAD AH: Mancehster City Oo Xidig Muhiim Ah Heleysa Kulanka Arsenal Ee FA CUP-ka

Kooxda Manchester City ayaa heleysa war farxad leh oo ku saabsan inuu dib usoo laabtay ciyaaryahankeeda muhiimka ah ee Gabriel Jessus kaasi oo bandhig wanaagsan ka sameeyey kubada cagta.

Xidigaan ayaa wacdaro layaab leh ka sameeyey garoonka Etihad Stadium waxaana uu kooxda City u dhaliyey goolal muhiim ah inkastoo uu dhaawacmay.

Inta uu fiicnaa Gabriel Jessus waxaa uu Guardiola keeyd  kusoo bilaabayey Sergio Aguero kaasi oo kamid ah xidigaha kooxda Manchester City ugu muhiisanaa.

Balse hada waxaa lagu soo waramayaa sida ay sheegeyso Daily  Star in Guardiola uu damacsanahay inuu dib u helo Gabriel Jessus.

Xidigaan reer Brazil ayaa City kusoo biiray bishii January waxaana uu kamid ahaa xidigaha uu Macalin Guardiola lasoo wareegay markii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Manchester CIty ayaa guuldarooyin la kulatay la’aanta xidigaan markii uu dhaawacmay balse waxaa ay hada sheekada u muuqataa inuu kooxdiisa caawindoono.

Kulanka axada ee FA Cup-ka ay la dheelidoonaan Arsenal ayaa la rajeynayaa in xidigaan uu soo laabto markaas oo taageeriyaasha City ay ku maqsuudikaraan xidigaan soo laabashadisa.

Comments

comments

Leave a Reply