Tuesday 21 November, 2017

Torino Warkooda Waa Cad Yahay : Halkaan Koox Kaliya Ayaa Naga Iibsan Karta Andrea Belotti ,Waa Sidee Rajadii Man United”.

Madaxa kooxda Torino Urbano Cairo ayaa hoosta ka xariiqay in sahal ah aysan ku fasixi doonin weeraryahankooda Andrea Belotti.

Laacibkaas 23 sano jirka reer Italy ayaa waxaa xiiso weyn looga qabaa horyaalka Ingiriiska waxaana aad u baacsaneysa kooxda Man United

Waxa uu madaxaas xusay in Andrea Belotti aysan ku fasixi doonin wax ka yar 100 milyan oo euro

Sidaas oo ay tahay waxa uu qiray in aysan haatan diyaar u aheyn in ay iibiyaan xagaagaan inkastoo suuqa kala wareegga aad looga doonayo

” Hishiiskiisa kooxda waxa ku jira in lagu bur burin karo qiimo gaaray 100 milyan oo euro haddii dalab intaas gaarsiisan aan laga keenin waa hubaal nagama tagayo” ayuu yiri sarkaalkaas ugu sareeya kooxda Torino”

” Dhab ahaantii waxaana dooneynaa in uu kooxda la sii joogo xilli ciyaareed kale si uu u soo bandhigo heer ciyaareed la mid ah midka uu haatan soo bandhigayo ” ayuu sii raaciyay madaxa kooxda Torino

Andrea Belotti ayaa illa haatan dhaliyay 25 gool oo horyaalka Italy ah waxa ayna hogaanka gool dhalinta wada hayaan Dzkeo oo u jooga kooxda Roma

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: