Tababare Luiz Enrique Oo Doonaya In Uu Laba Xal Midkood Ku Xaliyo Maqnaanshaha Neymar Kulanka El Clásico

Waxa si Rasmi ah Loo xaqiijiyay Maqnaanshaha weeraryahanka kooxda reer Brazil ee Neymar isaga oo seegi doona kulanka Axda ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Real Madrid.

Wargayska As ayaa sheegay in Tababaraha kooxda Barcelona ee Luiz Enrique uu wixii haatan ka dambeeya raadin doono xalkii uu ku buuxin lahaa booska Neymar.

ثلاثة خيارات أمام لويس إنريكي لتعويض غياب نيمار عن الكلاسيكو

Wargayska ayaa sheegay in Tababare Enrique uu ku ciyaari karo shaxda ah 3-1-4-1-1 oo uu 3-da daafaca ah ku ciyaaro xiddigaha Mascherano,Piqué iyo Umtiti oo khadka dhexe ee daafacana ka ciyaarsiiyi Busquets.

Halka Xiddiga 4 ah ee khadka dhexe ay noqon karaan Segio Roberto,Iniesta,Alba iyo Rakitic halka weerarkana ay hogaamin doonaan xiddigaha messi iyo Suarez.

Xalka 2-aad ayaa noqon kara in uu ku ciyaaro shaxda 4-3-3 isaga oo 4 daafaca ah ka dhigi doona Mascherano,Piqué,Umtiti iyo Segio Roberto khadka dhexena ka dhigi doono Busquets,Gomez Iyo Rakitic halka uu weerarka ka dhigi doono xiddigaha Iniesta,Suarez iyo Messi.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: