Suso: Halkan Sabab Ayaa Inoo Sahlay In Aanu Keensano Goolka Bar-Baraha Kulankii Inter Milan

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ac Milan Suso ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisa Ac Milan la gashay kooxda ay xafiiltamaan ee Inter Milan kulan ka tirsanaa horyaalka Italy.

Suso oo Sky Sports la hadlaya ayaa yiri” Kulanku waxa uu ahaa mid adag markii ay Inter Milan 2-da gool ku hor martay laakiin Milan ismay dhiibin way dagaalantahay ilaa ay keentay bar-barihii”

سوسو : الميلان تعادل بعد تعقيد الأمور ضد الإنتر

“waxa aanu goolka bar-baraha helnay kadib markii aanu Inter ku adkaynay kulanka weeraro kala duwana ku qaadnay taas ayaana sabab u ahayd goolka bar-baraha”

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

“waxa aan rajaynayaa in aan halkaas ka sii wado qaab ciyaareedka fiican kooxdana ka caawiyo sidii ay horyaalka ugu dhamaysan lahayd meel fiican marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedka ayaynu arki doonaa meesha uu mustaqbalkaygu ku dambayn doono”

Kadib bar-barahan labadan kooxood ay galeen waxa hakad ku yimid Rajadoodii u soo bixitaanka champions League maadama ay ku kala jiraan kaalmaha 6-aad iyo 7-aad.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: