Tuesday 21 November, 2017

SHEEKO XASAASI AH: Kadib Markii Ay Barcelona Ka Hartay Champions League Lionel Messi Oo Dalbaday In Seddexdaan Xidig Laga Buriyo Kooxda

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku qanacsaneeyn in kooxda Barcelona ay sii joogaan seddex ciyaaryahano kuwaasi oo kooxda ka tirsan.

Messi ayaa ka xumaaday in kooxdiisa laga reebo tartanka Champions League ,waxaana uu qabaa in kooxda ay u baahanatahay in lagu sameeyo dib u habeeny dhan waliba waxaana uu sidaasi darteeda door bidayaa in kooxda laga fasaxo seddex xidig.

Gerard Pique, Samuel Umtiti iyo Jeremy Mathieu qaab ahaan sida ay u ciyaarayaan kuma qanacsana kooxda , waxaana macquul ah inay kusoo laabato sideeda hore.

Shabakada Diario Gol ee kasoo baxda Spain ayaa ku warameysa in Messi uu dhibsaday seddexdaasi xidig.

Mathieu, Mascherano iyo Sergi Roberto ayuu Lionel Messi aminsayahay inay kooxda fowdada ku wadaan waxaana uu sheegay inay kooxda u baahantahay qaab hagaagsan.

Daafaca Mathieu waxaa uu kamid yahay xidigaha kooxda Barcelona ee lasoo wareegtay balse aan lagu qanacsaneeyn.

Sidoo kale waxaa jira Macherano oo ay Messi saaxiibo dhow yihiin, laakiin xidigaan dhexda iyo daafaca meesha uu yahay lama kala fahmo.

Sergio Roberto oo ah daaficii Barcelona guusha gaarsiiyey habeenkii PSG ayaa isaga kamid ah xidigaha aan meel looga aado lahayn.

 

Share on Facebook

Comments

comments

One Response to "SHEEKO XASAASI AH: Kadib Markii Ay Barcelona Ka Hartay Champions League Lionel Messi Oo Dalbaday In Seddexdaan Xidig Laga Buriyo Kooxda"

  1. XUDEYFa SYL says:

    hhhhm mesi nadiga isaga miya leh mida sergio roberts boos usan isaga lhyn ayey dhelsinayan mrks ayey dhalecenayn

Leave a Reply

Submit Comment

How to whitelist website on AdBlocker?
%d bloggers like this: