SHEEKO XASAASI AH: Diirada Uma Saarneeyn Klopp Balse Waxaa Macquul Ah In Liverppool Ay Gacanta Ku Dhigta Mid Kamid Ah Xidigaha Aan Ku Qanacsaneeyn Arsenal

Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa lagu xamanayaa inuu soo qaadandoono mid kamid ah xidigaha kooxda Arsenal waxase la is weydiinayaa lacagta uu ciyaaryahankaa kusoo qaadandoono.

Alex Oxlade-Chamberlain oo kamid ah xidigaha looga shakisanyahay inay iskaga tegidoonaa Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inuu ku biiridoono kooxda uu Klopp hogaamiyo ee Liverpool.

Lacagta xidigaa la dul dhigay oo ah  £35 million waa ay ku adkaaneysaa Liverpool inay bixiso , waxaana macquul ah inay sugaa 12 bilood ee ka dhiman heshiiska ciyaaryahankaan , markaas oo haddii aan heshiis laga saxiixan ay ku helikaraan si bilaash ah.

What exactly is the situation with the 23-year-old? Could he be lining up under the German next season, and at what cost?

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Haddii Uu Kusoo Biiro Liverpool , Maxaa Laga Filanayaa 23 Sano  Jirka Arsenal Ka Tirsan?

GFX Oxlade-Chamberlain

Xidigaan ayaa macquul ah inuu Liverpool ka caawiyo wax badan waxana ciyaaryahankaan uu sameeyn ku yeelankaraa safka Klopp.

Tayo ahaan marka laga hadlo waa xidig dhameeystiran kaasi oo ku wanaagsan raacashada iyo sidoo kale kubadaha karooska ah ee kooxdiisa caawinkara.

Yaaa Liverpool Xilli Ciyaareedkaan Diirada U Saaran?

HD Naby Keita

Hogaamiyaha reer Germany ee Kooxda Liverpool Klopp ayaa damacsan inuu kooxda kusoo biiriyo shaqsiyaad kale waa marka ay kooxda usoo baxdo Champions League.

Virgil van Dijk oo daafac uga ciyaara kooxda Southampton ayuu Macalin Klopp ka dhiganayaa bartilmaameedkiisa.

Sidoo kale waxaa uu indhaha ku haayaa Kalidou Koulibaly iyo Naby Keita kuwaasi oo dhamaantooda diirada u saaran Klopp.

Balse xidigaan orodka badan ee England waa uu anfici lahaa Klopp maadaama ay macquul tahay in Klopp uu ciyaaro koobab badan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Couthino says:

    Kooxda Ha uzoo iibiyo Keita iyo Van dijk
    iyo Gabriel goal thnkz kooxda




.

%d bloggers like this: