Rasmi: Kooxda Real Madrid Oo Liverpool Indhaha Kaga Soo Dhufatay Dalab Aad U Sareeya Oo Ay Ka Gudbisay Xiddig Qaab Ciyaareed Fiican Ku jira

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay dhigeeda Liverpool ka diiday dalab waali ah oo ay kooxda Reer England ula tagtay kooxda ka dhisan caasimada Spain sida ay wararku sheegayaan.

Liverpool ayaa Real Madrid ula tagtay dalab fiican oo gaaray 50 Milyan oo ay kaga doonayso xiddiga weerarka uga ciyaara ee Marco Asensio.

Sida ay sheegayso idaacda Cadena Kobe Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah ugu gudbisay maamulka Real Madrid dalab 50 Milyan ah oo ay ku doonayso xiddiga reer Spain si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.

ماركو أسينسيو لاعب ريال مدريد

Isla wararka laga helayo idaacdadaas ayaa sheegaya in Maamulka Real Madrid ayna diyaar u ahayn in ay iska iibiyaan xiddigan xagaaga soo socda inkasta oo uu xiddigani doonayo in uu raadsado koox uu si joogto ah ugu ciyaari karo.

21 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican kaas oo keenay in uu Tababare Klopp ku amro maamulka kooxdiisa in ay xiddigaas dalab ka gudbiyaan.

Laakiin Tababare Zidane ayaa sidoo kale diyaar u ahayn in uu xiddigan iska fasaxo isaga oo doonaya in uu xilli ciyaareedka dambe ka mid noqdo xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: