Qilaaf Kubadeed Oo Ka Taagan Puntland,Xariirka Iyo Kooxo Galkacyo Ka Dhisan Ayaa Isku Dhaggan ,Laba Koox Ayaana Tartamada PLand Laga Eriyay

Xiriirka kubada cagta Puntland ayaa maanta go’aano ka soo saarey koobkii horyaalka puntland oo muddo hakad ku jirey .

xiriirka ayaa ku dhawaaqey iney gebi ahaanba ka saareen oo aysan kasiii mid ahaaneyn kooxaha heerka koowaad ee puntland kooxaha ka dhisan magaalada Galkacyo,

Kooxaha oo kala ah Honbabaro, Somtel iyo Comsed ee laganaxay ayaa iyaguna war saaxafaded ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay si kumeel gaar ah uga baxeen ka mid ahaanshaha xiriirka kubbada cagta puntland

Xiriirka kubada cagta puntland oo uu hogaamiyo gudoomiye mustafe c/raxmaan majacse ayaa sheegay xataa in aan laga aqbali doonin racfaan iney ka qaatan kooxahaasi ganaaxa la saarey,
sido kale waxaa la ganaaxay gudoomiyayaasha iyo tababarayaasha sadexdaasi kooxood ee ka dhisan magaada galkacyo.

Balse cayartoyda kooxahaasi ayaa loo ogol yahay iney u ciyaaraan kooxaha kale ee puntland waa xilli ciyaareeedka danbe.

Sidoo kale waxaa fursad helay kooxaha kale ee ka dhisan magaalada galkacyo kuwaasi oo isoo diiwaan galin kara si ay u bedelaan kooxaha laga saaray kooxaha heerka koowaad ee puntland
Go’aankaan ayaa kusoo beegmaya xilli aad looga war sugayey xiiriirka kubbda cagta puntland iney go’aano kasoo saaraan koobka horyaalka puntland oo muddo hakkad galay

Kooxahaas ayaa dhankooda o ka cabanaya dhanka garsoorka ,Sidoo kale waxa ay wax ka tabanayaan dhinaca xiriirka oo ay leeyihin wasaarada cayaarahaa ayaa fara gelinaesa koobka oo xiriirku uma madax banaana.

Waxaa Warkaan Inoo Soo Diray 

Âbdîhämįd Zåcīîmkâ

Garowe 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: