MAQAAL; Ma Laga Yaabaa In John Terry Uu Ku Biiro Kooxda Arsenal??Xog Kooban Oo Muhiim Ah

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa xaqiijiyey in xilli ciyaareedkaan uu iskaga dhaqaajindoono garoonka Stamford Bridge ,waxaana xidigaan uu si rami ah u sheegay inuu soo gaba gabeenydoono waayihiisa kooxda Chelsea.

Warar kala duwan ayaa soo baxaya waxaana ay sheegayaan in xidigaan uu ku biirikaro kooxo kale oo ka dhisan qaarada Yurub halka kuwa kalena ay usii saadaalinayaan horyaalada kale.

Hadadaba xidigaan ayaa muhiim u ah kooxdiisa waxaana uu lasoo qaaray waqti badan,wax badan ayuuna Chelsea caawiyey mudadii uu kooxda maamulayey.

Ciyaaryahanka John Terry waxaa hada lagu xamayaa maku biiridoonaa kooxda Arsenal waana su’aasha la isweydiinayo?

Xaafada England ayaa isweydiineysa suaasha ah in xidigaan uu ku biiridoono kooxda ARsenal balse wali John ma go’aamin mustaqbalkiisa kooxda ,waxaana macquul ah inuu horyaalda kale uu aado.

Dhamaan Daily Mail aragtida ay sameeysey oo ah John Terry maku biiridoonaa Arsenal.

Xidigaan waxaa uu aad u xushmeeyaa Chelsea ,sababatoo ah uma soo ciyaarin koox kale oo aan Chelsea ahayn.

Sidaasi darteeda dagaalka ka dhexeeya Arsenal & Chelsea ee magaalada London macquul ah inuu kasoo horjeedso kooxdiisa hore.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: