Man United Oo Shardi Adag Oo Aan La Dhaafi Karin Ku Xirtay Real Madrid Hadii Ay Doonayso De Gea Waliba Mourinho Ayaa Ka Dambeeya

Kooxda Man United ayaa shardi adag oo aan la dhaafi karin hor dhigtay kooxda Real Madrid hadii ay doonayaan in ay xagaaga helaan goolhayaha kooxda reer Spain ee David De Gea sida ay sheegayaan wararku.

Ilo wareedyo ku dhow kooxda Man United ayaa sheegaya in Tababare Jose Mourinho doonayo in Ay Real Madrid miiska saarto xiddiga garabka uga ciyaara ee Gareth Bale hadii ay Doonayaan in ay helaan saxiixa De Gea.

Image result for De Gea vs Bale

Bale ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Real Madrid isaga oo haatan noqon doona xiddiga 1-aad ee kooxda Maadama Uu Ronaldo sii weynaanayo xilli ay taas ku adkaan doonto maamulka Real Madrid.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kooxda Real Madrid ayaa si Ba,an Goolhaye ugu baahan kadib qaab ciyaareed aad u liita oo uu soo bandhigay goolhayaha haatan kooxda jooga ee Keylor Navas.

Laakiin waxa kooxda Real Madrid Horyaala dookhyo badan oo ay ka xulan karto goolhayeheeda xilli ciyaareedka dambe kuwaas oo kala ah Thibaut Courtois oo u ciyaara kooxda chelsea khibrad fiicana u leh ka ciyaarida horyaalka Spain maadama uu u soo ciyaaray kooxda Atletico madrid iyo Goolhayaha kooxda Bayer Leverkusen ee Bernd Leno oo qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: