Man United Oo Guul Ay La Rafaaday Ka Gaartay Anderlecht Iyo Marcos Rashford Oo Badbaadiyay Riyadii United Ee Ku Guulaysiga Europe League

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford kula ciyaartay kooxda Anderlecht kulan ka tirsan lugtii 2-aad ee wareega 8 dhamaadka europe League.

SHAXDA RASMIGA AH EE KULANKA:

Man United XI: Romero; Valencia, Rojo, Bailly, Shaw; Carrick, Pogba; Lingard, Mkhitaryan, Rashford; Ibrahimovic

Anderlecht XI: Ruben; Appiah, Mbodji, Spajic, Obradovic; Tielemans, Dendoncker, Hanni; Chipciu, Teodorczyk, Acheampong

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u fiican iyaga oo waliba doonayay in ay goolal dhaliyaan.

Kooxda Martida loo ahaa ee man United ayaa kulanka la soo gashay dar-dar xawli ah iyaga oo doonaya in ay dhaliyaan goolka 1-aad wakhti hore si ay khal-khal ugu ridaan kooxda Anderlecht.

United ayaa sidii ay doonaysay heshay iyada oo daqiiqadii 10-aad heshay goolkeedii 1-aad iyada oo uu u dhaliyay xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Henrik Mkhitaryan isaga oo sidaas hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Anderlecht oo iyadu ciyaaraysay kubada rogaal celiska ah ayaa weeraro kala duwan oo ay kubada la baxsatay ku qaaday kooxda Man United si ay goolka bar-baraha u dhaliyaan.

Xaalada United ayaa is badashay qadiiqadii 23-aad kadib markii uu ka dhaawacmay daafaca reer Argentien ee Marcos Rojo oo wadan kariyay kulanka iyada oo ugu dambayn lagu badalay daafaca reer Holland ee Daley Blind.

Anderlecht ayaa daqiiqadii 32-aad heshay goolkeedii bar-baraha iyada oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Sofiane Hanni isaga oo kooxdiisa dib ugu soo celiyay ciyaarta kooxdiisa.

Waxana sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar la daawan karo xilli ay sidoo kale iska dhaliyeen min hal gool iyaga oo waliba awood u lahaa in ay goolal kale dhaliyaan.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay mid xiiso kale leh xilli labada kooxoodba u dadaalayaan sidii ay goolal kale ku dhali lahaayeen.

Kooxda Man United ayaa ahayd qaybta maamulka ciyaarta haysa iyada oo ka fursado badnayd kooxda Anderlecht maadama United joogtay garoonkeedi.

kooxda Anderlecht ayaan lafteedu gacmaha isku laaban laakiin waxa ay ciyaarasay kubado orod ku dhisan oo ay ku doonayaan in ay gool kaga dhaliyaan kooxda Man United.

Waxa sidaas ku dhamaatay wakhtigii Rasmiga ahaa ee ciyaarta loogu talagalay iyaga oo ay labada kooxood isla dhaafi waayeen bar-baro 1/1 ah.

Waxa dib loo bilaabay 30 daqiiqo oo lagu daray ciyaarta si ay labada kooxood u kala calf qaadaan ka hor inta aan loo gudbin rikoorayaasha ama gool ku laaga si loo ogaado kooxda iska xaadirin doonta wareega 4 dhamaadka tartanka.

United ayaa sideedii maamulka kooxda haysay iyada oo xitaa dhalisay gool looga diiday offside waxana ay isku dayaysay in ay ciyaarto soo afjarto inta aan la gaari gool ku laaga.

Man United ayaa heshay siday doonaysa iyada oo daqiiqadii 106-aad uu gool u dhaliyay weeraryahanka da,yarka ah ee Marcos Rashford xilli United sidaas ugu dhiibay hogaanka kulanka kana dhigay 2/1 ay United hogaanka ku qabatay.

Waxana sidaas ugu soo dhamaatay ciyaar waalnayd oo ay wada ciyaareedn labada kooxood oo ay ugu dambayn guushu ku raacday kooxda Man United xilli ay sidaasna isaga xaadirisay wareega 4 dhamaadka tartanka Europe League.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: