Liverpool 3-1 Everton: Kooxda Liverpool Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Jaarkooda Everton In Kasta oo Ay Xiddig Muhiim Ah Ku Weyday

Waxay bilow fiican u ahayd kooxda Everton kuwaas oo isku dayayey in ay daqiiqadaha horeba jihada ka lumiyaan xiddigaha kooxda Liverpool balse Toffees ayaan wax fursad ah u helin in ay gaadho xerada Mignolet si la mid ah kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 8’aad GOOOOOL: Liverpool 1-0 Everton [Sadio Mane].

Waxa uu ahaa gool indha qabad leh xiddiga qaarada ayaana xirfad iyo xawaareba u sheegtay daafacyada kooxda Everton ee Jagielka iyo Williams oo uu wehelinay GANA.

Roberto Firmino ayaa meel aan waxba ka sokayn badhtanka garoonka baas ugu dhiibay Sadio Mane kaas oo soo scoday isla markaana soo dareetiyay daafacayda Everton isagoona jiho fog shabaqa ka cuskiyay kubad joog hoose ku soconaysa.

Tan waxay ahayd bilow keliya kulnkuna waxa uu noqday mid xamaasadiisu aad u sarrayso taaribuunka Anfield-na waxa ay sii wateen sawaxankoodii.

Kooxda Everton ayaa bilowday sidii ay goolka isaga soo bogi lahayd isla markaana ay hogaanka u masixi lahayd balse kooxda Liverpool ayaa muujinaysay isku duubnaan isla markaana si fiican isu racaysay.

Daqiiqadii 31’aad GOOOOOL Liverpool 2-1 Everton [Coutinho].

Mar kale ayay nasiib xun u ahayd daafaca kooxda Everton kadib markii saaxirka reer Barzil uu gool kale oo qurux badan ka dhaliyay.

Lucas Leiva ayaa kubad u dhibay Coutinho kaas oo si qurxoon xirfad ku dhaafay Gueya isagoona mar kale kala taagay Jagielka isla markaana kubadii jeegaanta ahaa ee lagu yaqaannay shabaqa ku ruxay.

Kooxda.com ayaa xusaysa in goolka Barbar dhaca ee uu dhaliyay Pennington iyo kan Coutinho ay keliya u dhexeeyeen keliya 117 ilbidhiqsi.

Daqiiqadii 40’aad ayuu Ros Barkley ka badbaaday inuu qaato casaanka tooska ah kadib markii uu si xun ugu istaagay Dejan Lovren halka uu mar sii horrysayna uu ku xanaaqay Emre Can.

Daqiiqadii 60’aad GOOOOOL Liverpool 3-1 Everton [Origi].

Liverpool ayaa bandhigeedii fiicnaa halkii ka sii waday iyada oo uu markan gool kale oo qurux badan u dhaliyay xiddigii badalka ku soo galay ee Divock Origi isaga oo gool u badalay baas qurux badan oo uu ka helay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Philippe Coutinho isgaa oo kulanka ka dhigay 3/1 ay hogaanka ku hayso kooxda Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa wixii intaa ka dambeeyay isku dayaysay in ay adkaysato daaafaceeda sidaasna ku dhamaystato kulanka inkasta oo u fursado fiican oo ay goolal kale ku dhalin karaan heleen.

Waxana Sidaas ugu soo dhamaatay kulan xiiso lahaa oo ay kooxda Liverpool dhan walba ka maamulaysay una qalantay in ay gaarto guusha ay gaartay.

Dhanka kale Tababare Jurgen Klopp ayaa kulankan taariikhada ku galay kadib markii uu noqday tababarihii ugu horeeyay ee badiya 3-dii kulan ee ugu horeeyay ee Derby Merseyside

 

 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: