Klopp Oo Warar Ku Kordhiyay Taageerayaasha Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Axada Ee Ay La Ciyaarayaan Crystal Palace 3 Xiddig Oo Muhiim Ah Ayuu Shaki Ku Jiraa

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa war-war hor leh ku abuuray taageerayaasha Kooxda Liverpool kadib markii uu shaki galiyay 3 ka mid ah xiddigaha kooxdiisa ka hor kulanka Axda ay la ciyaarayaan kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan horyaalka Premier league todobaadkiisii 34-aad.

Liverpool ayaa waayi karta adeega xiddigaha Joel Matip, Lucas Leiva iyo Ragnar Klavan kuwaas oo ka cabanaya dhaawacyo kala duwan.

Image result for Matip, Lucas and Klavan

Klopp ayaa xiddig daafaca ka ciyaara oo 100% taam ah haysta daafaca reer Croatia ee Dejan Lovren ka hor kulanka ay Crystal Palace soo booqanaysa Anfield kulan muhiim u ah Reds.

Warkan ayaa ah mid aan u fiicnayn dhagaha taageerayaasha Reds maadama ay kooxdu dagaal ugu jirto sidii ay xilli ciyaareedka dambe uga qayb gali lahayd koobka dhagaha weyn ee champions league.

Reds ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad iyada oo kaliya 2 dhibcood ka saraysa kooxda kaalinta 4-aad ee Man City halka ay kooxda United oo 5-aad ku jirtana 6 dhibcood ka sarayso

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: