Jurgen Klopp: Halkan Arin Ayaa Liverpool U Diiday In Ay Horyaalka U Tartanto Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday Arinka kooxdiisa ka hor istaagay in ay xilli ciyaareedkan u tartamaan horyaalka Premier league.

Jurgen klopp ayaa sheegay in dhaawacyada badan ee kooxdiisa ku soo laba noqonaya ay sabab u yihiin in ay kooxdiisu xilli ciyaareedkan u tartami waydo hanashada horyaalka Premier league.

Klopp ayaa wajahay masiibo dhaawac ka hor kulanka kooxdiisu Axada la ciyaari doonto kooxda Crystal Palace isaga oo ay dhaawacyo kala duwan uga maqan yihiin xiddigaha Lallana,Henderson,Ings,Bogdan xilli ay sidoo kale shaki ku jiro xiddigaha Ragnar Klavan, Joel Matip iyo Lucas Leiva oo ka cabanaya dhaawacyo yar-yar.

Jurgen Klopp claims injuries have prevented Liverpool from going for the title this season

Liverpool ayaa haatan Dejan Lovern oo kaliya haysata wax daafac dhexe ah xilli ay Axada la ciyaari doonto kooxda madaxa adag ee Crystal Palace.

“waxan filayaa in dhamaanteen aan isku raacsanahay in hadii Liverpool 12 ama 13 xiddig ku ciyaari lahayd horyaalka oo dhan ay u tartami lahayd hanashada horyaalka”ayuu Klopp yiri.

“waxa dib noo dhigay dhaawacyada badan taas ayaana sabab u ah in aanu haatan ku jirno kaalinta 3-aad waana sababta noo diiday in aanu ku jirno kaalinta 1-aad”

Kooxda.com ayaa xusaysa in Kooxda Liverpool ayna wax guuldaro ah la kulmin kulamadii ay wada ciyaarayeen xiddigaha daafaca ka ciyaara ee Lovren iyo Matip

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. XUDEYFa SYL says:

    xaqiq waaye midaas




.








%d bloggers like this: