Ivan Rakatic: Waan Awoodnaa La’aanta Neymar Inaaan Badino Classico

Khadka dhexe ee kooxda Barcelona Ivanc Rakatic ayaa ka hadlay niyadiisa kulanka El Classico waxaana xidigaan ay diyaar u tahay inay wajahdo Real Madrid kulankaan maadaama uu sheegay inay aargudandoonaan haddii kooxda Barcelona laga reebay Champions League.

Ciyaaryahankaan u dhashay wadanka Croatia ayaa qaba in Barcelona ay wax waliba u sameysey Champions League balse nasiib daro aysan soo bixin waxaa uu sidoo kale sheegay in kubada cagta wax waliba laga filankaro.

Dhanka kale Rakatic ayaa wax laga weydiiyey Maqnaanshaha Neymar oo kulankaasi waxaana uu sheegay in xidigaas la’aantiisa ay garaacidoonaan kooxda Barcelona.

”Looma baahna inaan hada isweydiino , maxaa yeelay waa ciyaaryahan dilaa oo diyaarsan,” ayuu xidigaan u sheegay Sky Sports.

Arimaha Qoyska , Jaceylka, Nolosha Sariirta - Booqo Alcarabiya.com

Neymar sees red against Malaga

”Waan ognahay inaysan noo wanaagsan ganaaxa Neymar balse qof waliba ayaa la socoda culeeyska kulanka iyo sidoo kale, iyo muhiimada uu leeyaay,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

”Mar hore ayaan muujinay inaan badinkarno la’aanta Neymar, waana xidig muhiim ah  , balse Barcelona ayaa xalindoonta sheekadaas.

Xidiga reer Brazil ayaa kulankaas u noqondoona kulankii 2aad ee uu ganaax ku seego waxaana Barcelona laga sugayaa waxa ay sameeyndoonto la’aanta Neymar.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: