Inter Milan Oo Hishiis Cusub Ka Saxiixaneysa Mid Ka Mid Ah Qadkeeda Dhexe .

Sportmedia ee Italy ayaa shaaca ka qaaday in qadka dhexe kooxda Inter Milan ee Gary Medel uu u dhaw yahy in kooxdaas uu u saxiixo hishiis cusub.

Ilo wareedyo gudaha Inter laga soo xiganayo ayaa sheegaya in kooxda iyo laacibka ku hishiiyeen arintaas ayna dhameynayaan ka hor inta xilli ciyaareedka uusan dhamaan

Hishiiskaas cusub ayuu 29 sano jirkaas reer Chile ku sii joogayaa kooxdaas illaa iyo xagaaga sanadka 2020-ka

Hishiiska haatan ee Medel ee Inter ayaa dhacaya xagaga 2018-da

Inter Milan oo leh 56 dhibic ayaa haatan kala sareynta horyaalka Italy waxa ay kaga jiraan booska 7-aad

Comments

comments

Leave a Reply