In Liverpool Ay Soo Iibsandoonta Joe Hart, Xaalada Lallana & Henderson & Waxyaabaha Uu Jurgen Klopp Ku Sheegay Shirkiisa Jaraa’id Ka Hor Kulanka Crystal Palce

Macalinka kooxda Livrpool Jurgen Klopp ayaa ka hadadlay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeyey kulanka axada ay la dheelidoonaan kooxda Crystal Palace kana tirsan horyaalka Primer League.

Waxaa uu Klopp inta uu socday shirka la weydiiyyey waxyaabo badan oo ku saabsan kooxda Reds iyo sidoo kale in kooxda Liverool ay hami ka leedahay Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Sida aan la socono kooxda Liverpool waxaa ka dhaawacan xidigo badan kuwaasi oo dhamaantooda kooxda dhaawacyo kaga maqnaankaraan.

Joe Hart

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

ENFIELD, ENGLAND - MARCH 25: Joe Hart of England looks on during the England training session at the Tottenham Hotspur Training Centre on March 25, 2017 in Enfield, England. (Photo by Michael Regan - The FA/The FA via Getty Images)

Macalinka kooxda Liverpool ayaa ka hadlay xaalada goolhaaye Joe Harta kaasi oo ay Liverpool damacsantahay inay lasoo wareegto.

Goolhaayaha reer England ayaa kooxda Liverpool wax badan soo jiiay maadaama ay Mancehster City ka faa’ideeysan weysey isaga.

Balse Shaqsiga reer Germany ayaa sheegay in kooxdiisa aan diyaar u ahayn inay soo qaadato goolhaaye Joe Hart”Waxaa kooxda jooga oo aan heeysanaa goolhaayaal tayo wanaagsan leh oo kooxda caawinkara,” ayuu yiri Klopp.

Xaalada Henderson

Kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa kooxdiisa ka maqan muddo badan ,waxaana xidigaan lagu xamanayaa inuu seegikaro kulamo kale oo soo socdaan.

Klopp ayaa sheegay in wali xidigaan aan diyaar u ahayn kooxdiisa waxaana uu sidoo kale xaqiijeyey inuusan kasoo qeeyb galin tababarka maanta.

”Wali ma sameeyn tababar, waxaana qasab nagu ah inaan sugano isaga,” ayuu Klopp u sheegay saxaafada.


Hogaamiyaha kooxda Liverpool ayaa dhanka kale sheegay inuu aad u wanaagsanyahay Lallana kuna soo laabandoono tababarka kooxdiisa todobaadka soo socda.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: