Saturday 25 November, 2017

Hordhac: Manchester United vs Anderlecht: United Oo La Ciyaari Doonta Anderlecht Oo Aan Muddo 15 Sano Ah Guul Ku Dha-Dhamin England

Garoonka Kooxda Man United ee Old Trafford ayaa caawa marti galin doona kulan Man United u muhiim ah oo la ciyaari doonto kooxda reer Belguim ee Anderlecht kulanka oo ka tirsan lugtii 2-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka Europe League.

Kooxda Man United ayaa isha ku haysa in ay goosato tigidhkeeda wareega 4 dhamaadka tartankan si ay u sii wado riyadeeda ah in ay xilli ciyaareedkan ku guulaysato koobkan.

United ayaa haatan fursad u haysata in ay u soo baxdo wareega 4 dhamaadka inkasta oo ay kulankii hore bar-baro 1/1 ah la soo gashay kooxda Anderlecht laakiin hadaba waxa ay furasad ku haysataa goolka ay ku soo dhalisay meesha ka baxsan garoonkeeda.

Dhanka kale kooxda Anderlecht oo ay sugayso shaqo adag ayaa doonaysa in ay guul ka gaarto kooxda Man United markii ugu horaysay muddo laga 15 sano maadama ayna mudadaas ku badin garoomada England.

Manchester United vs Anderlecht Match Preview Europa League 2017

Kulanka: Manchester United vs Anderlecht

Tartanka: Europa League

Wakhtiga: 10:05 habeenimo.

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man United ayaa guushii Ugu weynayd abid ka gaartay kooxda Anderlecht bishii Septermber sanadkii 1956 iyada oo kaga badisay 10-0 kulan kaliya kulankaas oo ka tirsanaa European cup.

Man United ayaa guul gaartay 4 kulan oo ay la ciyaartay kooxaha ka socda dalka Belguim iyaga oo ay ku jiraan 3 kulan oo ay ka badisay kooxda Anderlecht iyada oo ka dhalisay 21 gool 2 gool oo kaliyana laga dhaliyay.

Kooxda Anderlecht waxa guul ah kamay gaarin koox England ka socota 17 kulan tartamada Yurub iyada oo 15 guuldaro kala kulantay 2 kulana bar-baro la gashay.

Tababare Jose Mourinho ayaa guul gaaray 8-dii kulan ee tartan Yurub ah ee uu ku ciyaaro garoonkiisa iyada oo ay ku jiraan 5 kulan oo uu United Guulo ku hogaamiyay xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United lagama badin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay tartanka Europe League 5 kulan way badisay 2 kulana bar-baro ayay gashay.

Weeraryahanka Zlatan Ibrahimović ayaa dhaliyay 5 gool oo Europe League ah xilli ciyaareedkan isaga oo 4 ka mid ah ku dhaliyay garoonka United ee Old Trafford.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Submit Comment